771 Views

Odowaa”Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay”

Odowaa”Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu la hor yimaado golaha Shacabka qorshe cad oo ku aadan badbaadinta dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in jidka kaliyah ee furan uu yahay in si deg deg ah loogu guntado Shirka Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayuu ka dalbaday in sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka uu ka hor Sharaxo sidii loo heli karo doorasho raali laga yahay.

” Waa in uu Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, uu xildhibaanadda la hor iman doono wax dalka lagu badbaadinayo oo ah jidkii loo mari lahaa doorasho laga wada raalli yahay”ayuu xildhibaan Odowaa.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Jidka kaliya ee u furan Madaxweynaha waa in Dhuusamreeb 3 loo wada guntadaa sidii la isugu wada tagi lahaa ugana soo bixi lahaayeen qaab doorasho oo la isla ogolyahay”

Waxaa si weyn loo hadal haya waxa uu Madaxweyne Farmaajo u sheegi doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana warar qaar ay sheegayaan in uu dalban doono in loo kordhiyo waqtiga magacaabista Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post