408 Views

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk

Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Warshadda Wax Soo Saarka Difaaca Ee Yarmouk
____________________________________________________________________________

Khamiis:NOVEMBER 3, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed Isaaq Ibraahim iyo wafdi la socday ayaa booqday Warshadda wax soo saarka difaaca ee Yarmouk.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen xarunta Warshadda waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Maamulka Warshadda oo warbixin guud ka siiyay hanaanka ay u shaqeyso iyo qeybaha kala duwan ee ay ka koobantahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Wadanka Suudaan ayaa inta ay ku suganyihiin waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Madaxda Dalka Suudaan.



Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post