2196 Views

Farmaajo Oo Xiisadda Baarlamaanka Kala hadlay Wasiiro iyo Xildhibaano

Farmaajo Oo Xiisadda Baarlamaanka Kala hadlay Wasiiro iyo Xildhibaano
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 24, 2018– Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaa uu kulan kula qaatay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wasiiradda iyo xildhibaanada uu la kulmay sidii loo ilaalin lahaa dastuurka , islamarkaana sharciga loo marsiin lahaa Mooshinka laga keenay Guddoomiye jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha uu u sheegay in loo baahan yahay in arinta lagu xaliyo si waafaqsan dastuurka iyo xeerhoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale xildhibaanadii iyo Wasiiraddii uu la kulmay uu u balan qaaday in uu si wadi doono xalinta Khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Golaha Shacabka.

Khilaafka ka dhex taagan xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sii xoogeystay, iyadoona hadda lagu muransan yahay halka lagu qaban doono cod u qaadista Mooshinka Guddoomiye Jawaari.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment