132 Views

R/Wasaare Ku-Xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen oo is casilay.

R/Wasaare Ku-Xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen oo is casilay.
____________________________________________________________________________

ADDIS ABABA — R/Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Ethiopia Demeke Mekonnen oo sidoo kale ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa lagu waramay in uu iska casilay xilalkii uu ka hayey dalkaasi.

Lama shaacin sababaha uu isku casiley mas;uulkaasi oo jagooyinkaasi soo haayey tan iyo bishii November 2020ka.

Demeke Mekonnen waxaa uu ka soo jeedaa qowmiyadda Amxaarada oo haatan dagaal culus oo hubeysan kula jirta Dowladda Ethiopia ee Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Dalka Ethiopia waxaa ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaas oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post