348 Views

Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan G/Galgaduud

Xiisad dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan G/Galgaduud
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Xiisad dagaal ayaa weli ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud, halkaasi oo shalay dagaal khasaare dhaliyay ku dhexmaray laba Maleeshiyo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Xiraale iyo Caabudwaaq, waxaana uu yimid markii maleeshiyo hubeysan ay haweeney ku dhaawaceen deegaanka Laanqeylo oo ku yaalla inta u dhaxeysa Xiraale iyo Balanbale.

Ma jiro dadaal ku aadan sidii loo joojin lahaa dirirta dhexmaraysa labada beel ee khasaara isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay.

Maamulada Gobolka iyo kan Galmudug weli kama hadlin dagaalka iyo xiisadda ka taagan deegaannada hoos yimaada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

\

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post