3027 Views

Wasiir Xoosh oo Baarlamaanka u sheegay in aysan jabi karin Go’aanka Maxkamadda Sare

Wasiir Xoosh oo Baarlamaanka u sheegay in aysan jabi karin Go’aanka Maxkamadda Sare
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 23  July 2017— C/raxmaan Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee Qaranka.

Golaha shacabka, ayaa kulan ay shalay yeesheen waxay ku diideen go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8 kursi oo muran ku jira qaabkii loogu guuleystay, balse taas waxaa ka hor yimid Mudane Xoosh.

Xildhibaano ka kooban180 oo ka mid ahaa 8-dii Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay ayaa u codeeyay in go’aanka Maxkamadda sare uu yahay mid waxba kama jiraan ah, taas u muuqatay Ul-Ul ku taag.

Dad badan oo ka mid ah Bulshada ayaa la yaaban sida baarlamaanka u dhaqmay, iyadoo Garsoorka uu ka mid yahay hey’adaha madax banaanuguna sareeya Dalka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah nin aan la ganban fikirkiisa ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray wuxuu si aad ah uga soo horjeestay fikradda Baarlamaanka.

Wasiirka Isaga oo ka hadlayay aragtidiisa sharciyeed, maadaama uu yahay Garyaqaan ayaa waxaa uu si cad u qeexay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aan ay gaartay Maxkamadda Dalka.

Arrintan ayaa durbaba muujineysa khilaaf ka dhex qarxay hey’adaha sharci dejinta iyo garsoorka, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay saameyso madaxda ugu sareysa dalka.

Waxaa hubaal ah in arrintaan ay noqonayso mid sii jiitanta muddada soo socota.

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online |Muqdisho 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment