1212 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo weli ku sugan Magaalada muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta iyo diblumaasiyiinta Shisheeye ee ku sugan Muqdisho.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya ee xilligan iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee heshiiska laga gaaray iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee dowladda Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) aya inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho mas’uuliyiin dowladeed ee Wakiilada Beesha Caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post