924 Views

Somaliland oo sheegtay in degaanada ay kusoo wajahan yihiin roobab

Somaliland oo sheegtay in degaanada ay kusoo wajahan yihiin roobab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md.Axmed Muumin Seed Oo Ay Weheliyaan Agaasimka Waaxda Saadaasha Hawada ee wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in roobab ay kusoo wajahan yihiin degaanada Somaliland.

 

Wasiirka ayaa  Sheegay Inuu Bilaabmayo Roobka Gu’ga Ee 2020  22 ,23 ilaa 24 march, Waxaana Uu Saddexdaa Maalmood Ka Bilaabmayaa Gobolada Galbeedka Somaliland.

 

 

 

24, 25 ilaa 26 march Waxa Uu Ka Bilaabmayaa Gobolada Bariga Somaliland, Waxaana Uu Wasiirku Sheegay In Roobab Aad u Wanaagsani Ka Di i doonaan Gobolada Somaliland.

 

Sidoo Kale Waxa Uu Wasiirku Fariin U Diray Dhamaanba Beeralayda Somaliland  Ee Ku Hawlan Dhinaca Wax Soo Saarka La Qooto Inay U Diyaar Garoobaan Sidii Ay U Xoojin Lahaayeen Wax Soo Saarka Sidii Sanadkii Dhawaa Ee 2019 Oo Ahaa Mid Gayiga Somaliland Dhamaanba Ay Kasoo Go een Wax Soo Saarkii Ugu Badnaa.

 

Roobab ayaa  ka curtay qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya, waxaana roobabkaasi qaarkood ay ka da’een meelo ay ka jireen maalmihii lasoo dhaafay kuleel daran.

 

Meelaha  roobab wanaagsan ka curteen waxaa ka mid ah Gobolada Mudug,  Awdal ,Galgaduud, Togdheer iyo Sool.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment