831 Views

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo gadood sameeyay

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo gadood sameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay gadood sameeyeen Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamadaan oo ku xareesnaa Xerada dhanka-roone oo dhawaan tababar loogu soo xiray ayaa gadoodkooda waxaa la sheegay in uu salka ku hayo arrimo la xiriira mushaarka oo ay sheegeen in aysan qaadan muddo lix Bilood ah.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan iyo hub cul culus ay baro ka sameysteen Magaalada gelinsoor, iyaga oo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan.

Goobjoogayaal ku sugan Magalada Gelinsoor ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada iyo saraakiisha hoggamineysa ay sheegeen in aysan wadooyinka furi doonin ilaa laga siiyo mushaarka ay xaqa u leeyihiin, waxaana xusid mudan in weli aysan ka hadlin Madaxda Galmudug.

Magaalada Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa siweyn looga dareemay Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada Daraawiishta Galmudug, iyada oo dadka degaanka ay sheegeen inay cabsi soo wajahday.

25-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 202

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post