20349 Views

Suurtagal ma tahay in caasimmadda Soomaaliya laga bedelo Muqdisho ?

Suurtagal ma tahay in caasimmadda Soomaaliya laga bedelo Muqdisho ?
____________________________________________________________________________

By: Mustafa Salad Awale

Toronto | QOL | September 23, 2015 | Magaalada Muqdisho waxay ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya, waxay aheyd Xaruntii ganacsiga dalka Soomaliya xilli aad uga fog xiligii Isticmaarka ilaa iyo maanta, waa magaalo aad u qurux badan oo ay badweyntu kaga wareegsan tahay 3dex jiho, waa magaalo ay degaan dad aad u dulqaad badan, xoogsato ah, qabyaaladdana aan aqoonin, mana aheyn magaalo siyaasadeed ama dadkeedu kala qeeybsan yahay, waa magaalo aan kala xigsan dadka Soomalida ah, deris wanaagna aad ugu caan baxday isla markaana ay degaan dhamaan dadka dhulka Soomaliya degaamadiisa ku abtirsada ka soo biloow Raas Kambooni ilaa Raas Caseyr iyo dhamaan dadka Soomalida ah ee degaamada dhulalka Soomalidu degto ee geeska Afrika, isla markaana uusan dareemin ruux Somali ah inuu marti ka yahay.

Waxay aheyd magaalo qof kasta oo Soomali ah maskaxdiisu ku weeyneyd jeclaana inuu mar uun tago meel kasta uu wadanka ka joogo reer miyi ama reer magaalka gobollada dalka oo dhan.

Waa magaalo dhamaan ummada Soomaliyeed u wada qirtay ineey ku haboon tahay Caasimadda Qaranka, waa magaalo qadiimi ah ayna ka muuqdaan dhamaan astaamaha lagu aqoonsado caasimad, waxay aheyd ilaa iyo maantana tahay magaalada ugu weyn magaalooyinka dhamaan geyiga geeska Afrika ee ay somali degto, islamarkaana degaan u aheyd dadka ugu badan Somalida.

Xiligii Gumeystuhu wadanka joogay Muqdisho waxay ahayd magaaladii xarunta isticmaarka, iyagoo halkaa ka dhistay dhamaan tasiilaadyadii ay u baahnaayeen sida dhismooyin u ahaa xafiisyo iyo degaano, garoon diyaaradeed, Dekad, goobo ay ku caweeyaan, garoomo kubadda lagu ciyaaro, wadooyin faro ku tiris ah, isgaarsiin, koronto iyo biyo xadidan oo ay iyagu u isticmaali jireen danohooda qaaska ah,taasoo Muqdisho ka horumarisay degmooyinka kale ee wadanka, islamarkaana noqotay magaalo loo soo shaqo iyo waxbarasho doonto.
mogadishu-airport-2Xornnimadi kedib maamulkii talada wadanka qabtay ee 9kii sanno ee xukuumadihii rayidka ahaa iyagu wax isbedel sidaa loo tilmami karo kuma kordhin magaalada, hade yeeshee Xukuumadii Mileteriga ee kacaanka ayaa Muqdisho waxay ka hilgelisay mashaariic horumarineed oo aad u balaaran, taasoo keentay in Muqdisho ay balaarato, 6dii xaafadood ee ay ahaan jirtayna qaarkood la kala saaray degmooyin cusubna la sameeyay lana dejiyay dadkii is dul tubnaa ee xaafadaha qaarkood oo aan khariidad degmo u sameeysneyna loo raray degmooyinkii cusbaa ee la abuuray, magaaladiina ay sii balaaratay, waxaa kale uu xukunkii kacaanka horumar weyn ka sameeyay wadooyinka magaalada dhexmara, iyo dhamaan wax alaale wixii ay caasimad u baahan tahayna abuuray, taasoo keentay in ay Muqdisho noqoto Magaalo ka mid ah magaalooyinka Afrika kuwooda ugu waaweeyn.

Dagaalkii sokeeye markuu wadanka ka dhacay Muqdisho waxay noqotay magaalo uu dagaalkii ugu cuslaa ee ahliga ahaa aafeeyay, taasoo ay ugu wacneyd dadkii wada deganaa ee deriska ahaa oo Somali oo dhan ka koobnaa oo qabiil u dagaalamay, dhimasho, dhaawac badan, qax, dadkii deriska ahaa oo kala guuray, hantidii ummada oo lakala dhacay, xoog la isu sheegtay, dad aan denbigii dowladii keligii taliska ahaa uu galay aanan shaqo ku laheyn laakiin la heyb ahaa ragii xukunkaa hogaanka u ahaa oo cadaawad loo qaaday hantidoodiina la dhacay, kuwo kale oo aan ku heyb aheyn xukunkaa la riday laakiin ahaa dad nabadeed oo aan hubeeysneyn oo iyagana ka qaxay magaaladi hantidoodiina lala wareegay, masiibada ugu weyn waxay ku dhacday dadkii muruqmaalka ahaa iyo dadka aan is difaaci karin oo dhiigoodii la baneeystay.

images

Muqdisho waxay gashay xaalad xun oo ruuxii ku noolaa xiligii nabadda markuu soo xusuusto iyo sida ay markaa noqotay uu ka doorbidayay inuusan magaaladaa dib danbe u haweeysan, taasoo kaliftay in dadki soomaliyeed ay is abaabulaan qolo walibana ay ku noqoto degaamadii ay ka soo jeedeen, taasoo aheyd fikirka salka u noqday in wadanka Soomaliya nidaamka federalka wax lagu qeeybsado mar hadii lakala aamin baxay.

Dowlado daciif ah oo kumeel gaar ah, kuwo maxaakiim Islaami sheegtay, kuwo federal ku meel gaar ah iyo tan hadda jirta oo lagu sheego dowlad federal ah, dagaalo kooxo nabad diid ah lala galay kedib waxaad moodaa maanta Muqdisho inay ka soo kabaneyso dhibkii dheeraa ee 24kii sanno ee la soo dhaafay gaaray.

Waxayna maanta la mid tahay sida magaalooyinka waaweeyn ee caalamka in ay ka dhacaan mararka qaarkood dilal qorsheeysan iyo qaraxyo, hase yeeshee dhibkii wadanka ka dhacay markaad dib u soo xusuusatid dadka badankiisu dilalkaa waxay ku macneeyaan in dad gaar ah loola dan leeyahay ama cadaawaddii wadanka aafeeysay ay weli jirto, xalna aan la heli karin inta ay caasimadu Muqdisho tahay, laakiin su’aashu waxay tahay-

  • Ma dhici kartaa in caasimmadda laga raro Muqdisho ?
  • Mala heli karaa magaalo Muqdisho u dhigmi karta ?

Hadaan taariikhda caalamka wax yar idinkaaga taataabto, ilaa iyo maanta waxaa jira 6 wadan oo caasimadaha bedelay, hase yeshee 4 wadan oo keliya ayaa si toos ah u bedelay caasimadohooda, 2bada kalena waxay sameeysteen caasimad wadaagyo.

curuba
hadaan waxyaabaha sababay mid mid u fiirino, Muqdisho ma noqon kartaa sababaha ay dadka qaar is weeydiiyaan ineey suurtogal noqon karto in laga bedelo caasimadda dalka magaalada Muqdisho, mise dhici kartaa in la helo magaalo xamilo karta ama qaadi karta xilka iyo awooda ama shuruudaha caasimmad looga baahan yahay oo aan Muqdisho aheyn.

Hadaan si kale su’aal isu weeydiino maadaama dad badani aaminsan yihiin in Muqdisho ay tahay magaalo beel gaari sheegato in ay leedahay, mala heli karaa magaalo aaneey beel gaar ahi laheyn oo Muqdisho uga horeyn karta shuruudaas.

Wadamada caasimadaha bedelay waxay soo mareen habab kala duwan oo ay dadyoowgaasi isla garteen in ay suurto gal tahay ama wadamadaasi ay lahaayeen magaalooyin isu dhigma, iyo qaar kale oo maamulo markaa talada gacanta wadamadaasi ku hayay ay awood ku fuliyaan sharciyadaas.

Hadaba waxaan isku dayayaa in aan mid mid u soo qaato wadamadaas waxaadna ka ogaan doontan qormadeeydan in ay Somaliya suurto gal ka noqon karto ama aysan weligeed suurto geli karin in arintaan laga hadlo.

  • COTE D’IVOIRE ama IVORY COST: wadankaan waxaa caasimad u ahaan jirtay magaalada ABIDJAN, laakiin sanadkii 1983 ayaa madaxweynihii wadankaas ka talinayay ee FELIX HOUPHOUET-BOIGNY wuxuu caasimadii u raray magaaladii uu ku dhashay oo xeebta u jirta ilaa 430km ee YAMOUSSOUKRO oo ilaa iyo maantana caasimada wadankaas ah, ka hor intuusan bedelin caasimada ayuu magaaladaas YAMOUSSOUKRO ka dhisay dhismooyin aad u waaweeyn iyo kaniisadda wadankaasi ugu weyn oo ay ku baxday 300 millian oo dollar, casimadii hore ee Abidjan waxaa markaa ku noolaa 2 milyan oo dad ah, halka magaalada uu caasimadda u raray ay ku noolaayeen xiligaas in ka yar 100kun oo dadka wadankaas ah, hase yeeshee waa ay suurto geli weeysay in ganacsiga wadankaasi uu ka guuro Abidjan iyadoo xafiisyadii dowladda badankooduna ay shaqadoodu lagama maarmaan ku noqotay magaala madaxdii hore ee Abidjan oo ah magaalo xeebta ku taala aadna uga cimilo fiican magaala madaxda cusub, tirada dadka abidjana uu sadex laabmay maanta oo ay ku nool yihiin 4.7 milyan, halka caasimadda ay degaan u tahay 194 kun oo dadka wadankaas oo tiradooda lagu qiyaasay 23 milyan.

 

  • BURMA(MYANMAR): bishi November 2005 ayay dadka reer Burma ku waabariisteen caasimadii wadanka ee RANGOON oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 4.5 Milyan loo raray magalo aad u yar una jirta xeebta 400 km oo ay ku nool yihiin 335 kun ee PYINMANA, iyadoo la sheego sababta ku kaliftay Regimka wadankaas ka taliya ee JUNTA in ay faaliyayaashoodu kula taliyeen in qatari uga soo socoto dadka degan RANGOON, iyo Mareykanka oo ay ka baqeen inuu xukunka ka tuuri doono xukunka keli taliska ah ee wadankaas ilaa maanta ka jira, sidaa daraadeedna lagula taliyay magaaladan yar ee PYINMANA oo ah magaalada ay taliska sare ee JUNTA badankoodu ka soo jeedaan taasoo ilaa maanta u ah caasimad wadanka Burma oo tirada dadkooda lagu qiyaaso 55 milyan.
  • NIGERIA: ka hor sanadkii 1991 waxaa caasimadda wadankaasi ahey LAGOS, waa magaalo xeeb ah oo ay ku noolaayeen xiligaas dad ka badan 5.1 milyan, waa magaalo ay dadku ku kala qeeybsan yihiin xagga diinta iyo siyaasadaba, waa magaalo aad u dhib iyo saxmad badan dadkuna aad ugu badan yahay, lehna hawo aad u cufan oo kuleyl badan, maamulkii waagaas ayaa waxay ku heshiiyeen 1980kii in magaalo madax cusub dhismeheeda la bilaabo, waxayna ku heshiiyeen magaalada ABUJA oo ay xiligaasi ku noolaayeen 110 kun oo dadka reer Nigeria ah, waxa uuna dhismihii dhamaaday 1991 halkaasi ay dowladii u soo guurtay caasimadda cusub ee ABUJA oo ay maanta ku nool yihiin dad gaaraya 3 Milyan, hase yeeshee weli qeyb muhiim ah oo xafiisyada iyo ganacsiga wadanka Nigeria wali waxay ku yaalaan LAGOS oo ay maanta ku nool yihiin dad gaaraya 21 milyan oo dadka nigeria oo tiradooda lagu qiyaaso 178 milyan.

 

  • BOLIVIA: Ilaa iyo waqti aad u fog waxay caasimadda wadankaasi ahaan jirtay SUCRE, waxay aheyd magaalo macdanta laga qodo oo qani ah, hase yeeshee 1898 ayay magaaladaasi macdantii ka yaraatay waxayna dadkii u shaqo doonteen magaalo la yiraahdo LA PAZ oo aheyd magaalo iyadana macdanta aad looga qodo dadkiina ay ku soo bateen kedibna maamulkii wadankaas uu go’aansaday in caasimaddu noqoto LA PAZ oo ilaa iyo maanta caasimad u ah dadka reer Bolivia oo lagu qiyaaso 11 Milyan.

Afartan wadan ee aan kor ku soo sheegay waa wadamadii caasimadohooda ku bedelay sababo ama sharciyo ay maamulo awood u leh fuliyeen, laakiin waxaa jira 2ba wadan oo kale oo Africa ku yaala oo iyagu caasimad wadaagyo leh.

  • BENIN: Ilaa iyo qarnigii 16aad ilaa maanta waxaa wadankaasi magaalo madax u ah PORT-NOVO waa magaalo xeebta ku taala oo aad u jawi fiican oo ay ku noolyihiin 230 kun oo dad ah, halka xafiisyada dowlada ee wadankaasi gebi ahaanba ay ku yaalaan magaalada COTONOU oo ah magaalo 3 jeer ka dad badan caasimadda kana jawi wanaagsan caasimadda Port-novo dadkuna ay aad u jecel yihiin oo ay ku nool dad ka badan hal milyan ee dadka reer Benin oo tiradooda guud lagu qiyaaso 11 milyan.

 

  • SOUTH AFRICA: Wadankani gumeystihii reer yurub ee dhulkaasi waqti aad u fog uga yimid badankoodu Holland, Britain, German iyo Maalqabeeno reer Israel ah ayaa waxay u qeeybsadeen 4 qeeybood oo kala ahaa CAPE OF GOOD HOPE, NATAL,ORANGE RIVER COLONY IYO TRANSVAAL, 1910 ayay go’aansadeen ineey midoobaan afartoodu iyagoo mid ka mid ah ay ka iibsadeen dhulkii uu heeystay, sadexdii kalena ay ku heshiiyeen inay noqdaan midowga South Africa, waxayna caasimad magaca guud ee wadanka ah ka dhigteen CAPE TOWN, hase yeeshee waxay qeeybsadeen sadexda hey’adood ee dowladda.
  1. PRITORIA waa hoyga Madaxweynaha iyo Xukuumadda(AMINISTRATIVE CAPITAL) oo ay degan yihiin tiro dad ah oo lagu qiyaasay 2.5 Milyan.
  2. CAPE TOWN Waa hoyga Baarlamaanka (LEGISLATIVE CAPITAL) waxaana degan 6 Milyan
  3. BLOMFONTEIN Waxaa degan hey’adda garsoorka (JUDICIAL CAPITAL) waxaana degan 2.8 Milyan.

Sadexdaa magaalaba waxaa ka weyn Johannesburg waxay magaalo madax u tahay gobolka GAUTENG waana magaalada aduunka ugu dhulka balaaran, islamarkaana ah magaalada South Africa ugu dadka iyo dhaqaalaha badan uguna qurxoon, waxay degaan u tahay dadka tujaarta ah ee South africa islamarkaana kuma mid aha 3dexda magaalo madax ee wadanka Koonfurta Afrika.

Johannesburg waxay isku gobol yihiin Pritoria oo ka mid ah caasimadaha wadanka, isla markaana Johannesburg waxaa degan dad tiradooda lagu qiyaaso 13 Milyan ee dadka reer Koonfur Afrika oo tiradooda guud ahaan lagu qiyaaso 54 Milyan.

Hadaba hadaan fiirino sababahaas caasimadaha wadamadaas loo bedelay ama loo qeeybsaday, ma suurto geli karaa in Muqdisho caasimadda wadanka Soomaliya laga bedelo ?

Muqdisho waxay magaalo madaxda wadanka noqotay 1960 xornimadii Soomaliya, xukumadadihii wadanka soo maray weligood iskuma aysan dayin ineey wadanka horumarka ku baahiyaan isla markaana tasiilaadka qofka Soomaliga ahi u baahan yahay ugu geeyaan dhulka uu degan yahay.

Malaheyn gobolada iyo degmooyinka badankoodu waxbarashada dugsiyada aasaasiga ah xiliyadii maamuladii 9 ka sanno ee xornimada kedib, sidaa daraadeed waxay dhalinyaradu ku qasbanaayeen in ay Muqdisho yimaadaan una soo waxbarasho doontaan, markuu shaqsigu wax bartana wuxuu u shaqo doonan jiray hey’adaha dowladda oo gebi ahaanba ka howlgeli jiray Muqdisho.

Markuu kacaanku wadanka ka curtay Muqdisho way sii balaaratay waayo maalgelinta dowladda badankeedu waxay ku bixi jirtay Muqdisho, iyadoo sidoo kale shaqsiyaadka Soomalida ah ee hantida leh ay iyaguna maalgelin jireen Xamar waayo waxay aheyd magaalo ay ka heli karaan macaamiil ku filan maadaama dad badani degan yihiin, taasi waxay saaciday in muqdisho ay u kobocdo si xad dhaaf ahna ay uga dheereeyso dhinac walba magaalooyinka wadanka, kobocaas Muqdisho ma aheyn mid beel gaar ah ka yimid ee waxay aheyd magaalo dadka Somaliyeed oo aan u kala harin ay hantidoodi geliyeen taasoo Muqdisho ka dhigtay magaalo la mid ah caasimadaha aduunka ayna ku dhanyihiin wax waliba oo looga baahdo magaalo madax.

Hadaan fiirino sababaha qaarkood oo ay Muqdisho ku muteeysatay inay noqoto magaalo dadka Soomaliyeed soo jiidata waxay tahay, waa magaalo ku taala xeebta, jawi fiican oo aan laheyn kulayl badan, dadkii asal ahaan deganaana ay ahaayeen dad aan qabyaalada aqoonin kana xishooda, ilbaxnimada dadka Muqdisho deganaana ay ceeb la aheyd isticmaalka ama magacaabida heybta qofta Soomaliga ah, dadka Muqdisho degaanaa oo jeclaa saaxiibka, qofka Somaliga ahna ula dhaqma inuusan ka xigin magaalada, waxay lahaayeen dadka Muqdisho degani dhaqamo iyo ciyaaro kala duwan oo ay ku madadaashaan, waxay leedahay Muqdisho lahjado afka Somaliga ah oo kala duwan oo ay ku hadlaan dadyoowga Muqdisho ku dhaqan, xaafad kasta oo Muqdisho ku taalana ay lahaayeen sheekooyin,hadalo,heesaawe,raashin iyo ciyaaro ay bulshadaas isla taqaano taasoo qofka aan u dhalan Muqdisho uu dareemayo inay tahay magaalo dadku u wada dhan yahay oo aanay cidina cid ka xigin oo aad geestaad doonto ka degi kartid.

images (1)

Hadaba hadaad barbar dhigtid magaalooyinka waaweeyn ee gobolada wadanka ku yaala ma heli kartid magaalo astaamahaas leh waayo magaalo walba waxa degan heyb gaar ah oo lagu yaqaano oo hal dhaqan iyo xeer leh, waa uu degi karaa qofka Soomaliga ah wadanka Soomaliya meeshuu doono laakiin waa ruux bulsho meel degan soo dhex degay.

Dhinaca dhismaha iyo muuqaalka markaad ka eegtidna Muqdisho magaalo u soo dhawaan karta hadaan runta isu sheegno wadanka kuma taalo waqtigaan xaadirka ah, teeda kale koboc kasta oo ay magaalo kale oo wadanka ku taala kobceyso Muqdishana way kaga sii koboc iyo dhisme badnaaneeysaa weligeed.

Dad baa yiraahda Muqdisho dhibki baa ku batay dadka Muqdisho joogana nabad ma rabaan ee waa in caasimadda laga bedelaa Xamar, qofka sidaa aaminsan waxa uu isku cabiray magaalo uu isagu ku abtirsado oo hal beeli degto iyo magaalo aan derisku is aqoonin.

Tan kale sida aan wadamadii aan tusaalaha u soo qaatay ku xusay xitaa Muqdisho maanta uma baahna caasimadnimada ama in dowladu degan tahay ee Muqdisho iyadaa loo baahan yahay weligeedna waxay ahaan doontaa magaalada ganacsiga iyo dadka ugu badani degan yihiin xitaa hadii caasimadda laga wareejiyo, dadka Muqdisho degana waxaan hubaa ineey qadyaan ka taagan yihiin dowladaan dhex degan, waayo Muqdisho waa magaalo wax waliba u dhan yihiin oo aan magaalo kale u baahneyn.

By. Mustafa Salad Awale

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment