2028 Views

Soomaali laga soo celiyay Ertriea oo Muqdisho la keenay

Soomaali laga soo celiyay Ertriea oo Muqdisho la keenay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray 56 Qof oo Soomaali ah, kuwaas oo ahaa Tahriibayaal laga soo celiyay dalka Eritrea.

Maryan Yaasiin Ergeyga arrimaha Tahriibayaasha ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegtay in hawlgalka bad baadinta Tahriibayaasha maanta lagu soo celiyay 56 Qof oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

In dadkaan dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa dowladda Soomaaliya ka taageertay hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IOM.
Dadkan ayaa laga soo qaaday Xerada Qaxootiga Shakarab ee dalka Eritrea iyo Soohdinta dalka Suudaan oo la wadaago dalka Eritrea.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka u badan dhallinyarada ee ku dacayan daafaha Caalamka.
z11 z12

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment