582 Views

Dhagar qabayaashii Dilay Sakariye iyo Sowdo oo maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida la soo taagay

Dhagar qabayaashii Dilay Sakariye iyo Sowdo oo maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida la soo taagay
____________________________________________________________________________

Khamiis December 30, 2021

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaawday Maxkamaddaynta gaar ahaan Tan  Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay bilaawdat dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sakariye iyo Sowdo.

Labadii bishan ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haysta labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Eedeysanayaasha loo haysto dilkaas ayaa waxaa lagu kala magacaaba Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhuul badan.

Sidoo kale Fadhiga maxkamadda ee maanta ayaa lasoo xiray, ayada oo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu sheegay in kiiskaan maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hore u shaaciyey in Sakariy iyo Sowdo oo xilligaas marayay wadada isgoyska Dabka ay haleeshay rasaas ay ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ay ku furanayeen wadada oo xiligaas jaam aheyd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post