1254 Views

SAWIRO:-Taliska Ciidanka xooga & AMISOM oo ka shiray la-dagaalanka Al-Shabaab

SAWIRO:-Taliska Ciidanka xooga & AMISOM oo ka shiray la-dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisha Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Al-Shabaab ay ka joogaan Galmudug

 

Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkooda iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Al-Shabaab ay joogaan

 

 

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee Hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida soo dhoweyntii 21aad ay u sameysay Ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

 

Ciidamadan ayaa Qayb ka noqonaya Howlgal ballaaran oo dhowaan lagu Wajahayo Deeganada Shabaab ka joogaan Galmudug Iyo Hirshabelle,waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment