873 Views

Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta oo iska xiray boggiisa Twitter-ka kaddib markii uu kala kulmay aflagaado

Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta oo  iska xiray boggiisa Twitter-ka kaddib markii uu kala kulmay aflagaado
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Kenyatta Uhuru Kenyatta ayaa iska xiray boggiisa Twitter-ka kaddib markii uu kala kulmay aflagaadeyn.

Mr Kenyatta wuxuu sheegay in uu ka carooday aflagaadeynta uu kala kulmay Twitter-ka taasina ay u horseeday hurddo la’aan.

“Waxaa ii dhaantaa aniga oo la shekeysta qoyskeyga oo aan helo hurddo fiicaan si aan xilli hore usoo kaco” ayuu yiri madaxweynaha.

Bogga Twitter-ka madaxweynaha Kenya waxaa ku xirnaa in ka badan 3 malyan oo qof, haatan waa la xiray boggaas, waxaana lagu wareejiyay Aqalka Madaxtooyda.

Kooxda warfaafinta u qaabilsan madaxweynaha ma aysan shaacin sababta uu madaxweynaha isaga xiray boggiisa.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post