453 Views

R/wasaare Rooble oo soo saaray amar ku aadan doorashada kuraasta Banaadiriga

R/wasaare Rooble oo soo saaray amar ku aadan doorashada kuraasta Banaadiriga
____________________________________________________________________________


Sabti: February 19, 2022

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble, ayaa faray guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga ka dib markii ay casbasho ka timid qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu magacaabi doono guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskiisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post