684 Views

Hirshabelle oo mar kale maanta ka dhacayso doorashadii kuraasta hartay ee xubnaha aqalka sare

Hirshabelle oo mar  kale maanta ka dhacayso doorashadii  kuraasta hartay ee xubnaha aqalka sare
____________________________________________________________________________

Sabti: September 18, 2021

Wararka ka imaanaya saakaya Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ay ka  billaabato doorashada kuraasta hartay ee xubnaha aqalka sare ku matali doono maamulkaasi maanta.

Wararka ayaa sheegaya in ay ahayd in doorashadaas ay dhacdo Khamiistii oo la soo gaba-gabeeyo, haseyeeshee arrimo jira awgood waxaa baaqday doorashadaasi.

Sidoo kale Doorashada Hirshabelle ayaa ahayd mid aad uga duwan doorashooyinkii ka dhacay maamul-goboleedyada intooda kale, waxaana kuraasta qaar ku tartamaya murashixiin gaaraya ilaa shan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post