213 Views

Qof rakaab ah oo laga waayay markab dalxiis oo marayay gacanka Mexico oo la badbaadiyay kadib in ka badan 15 saacadood oo uu badda ku dhex jiray

Qof rakaab ah oo laga waayay markab dalxiis  oo marayay gacanka Mexico oo  la badbaadiyay kadib in ka badan 15 saacadood oo uu badda ku dhex jiray
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 26, 2022

Qof rakaab ah oo laga waayay markab dalxiis, oo marayay gacanka Mexico, ayaa la badbaadiyay, kadib in ka badan 15 saacadood oo uu badda ku dhex jiray, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Mareykanka.

Ninkan oo 28 jir ah, ayaa habeenimadii Arbacada ku sugnaa baar ku yaalla markabka Carnival Valor, isagoo ay wehlisay walaashii.

Balse ma uusan soo noqon, kadib markii uu baxay, si uu u gaaro musqusha.

Dhowr shaqaale samata bixin ah, ayaa soo indha indheeyay biyaha ku dhaw markabka, waxaana ugu dambeyntii ninka la arkay fiidnimadii Khamiista, meel 20 mayl (30km) u jirta xeebta Louisiana.

Waxaa la sheegay in xaaladiisa ay haatan wanaagsan tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post