1206 Views

SAWIRO:-Wakiil QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha K/Galbeed

SAWIRO:-Wakiil QM oo gaaray Baydhabo lana kulmay Madaxweynaha K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 18, 2019 —Wafdiga uu Hogaaminaayay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Somaliya Ahna Madaxa UNSOM James Swan ayaa  Maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,waxana soo dahweyn u sameeyay Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha koonfur Galbeed.

Intaasi kadib wafdiga Wakiilka QM ee Soomaaliya  & Madaxweynaha  Koonfur Galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen)  ayaa waxaa ay kulan ku qaateen xarunta Madaxtooyada, iyaga oo ka wada hadlay arimaha Gargaarka, amaanka iyo horumarka Dhaqaalaha Koonfur Galbeed iyo Sidii Qaramada Midoobay ay kaalinteeda uga geysan lahayd .

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha soomaliya James Swan ayaa Dhankiisa Balan qaaday inay wax ka qabanayaan Xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed si dhowna ay ula shaqayn doonaan Dowlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka oo saacado qaatay loogana hadlayey arimaha ka jira Koonfur Galbeed markii soo idlaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay Madaxweynaha iyo Safiirka, Waxaana hadalka qaatay kuna dheeraday muhiimada safarkiisa Wakiilka qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhankiisa u mahadceliyey Wafdigan Maanta garay magaalada Baydhabo oo uu hogaaminaayay Wakiilka xoghaya guud ee QM, isagoona sheegay Madaxweynaha waxyaabihii ay ka wada hadleen wefdiga uu Safiirka horukacaayay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment