609 Views

Puntland oo war ka soo saartay iscasilaada guddoonkii guddiga doorashooyinka ee Puntland.

Puntland oo war ka soo saartay iscasilaada guddoonkii guddiga doorashooyinka ee Puntland.
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Puntland ayaa sheegtay in ka xuntahay iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC).

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntalnd ayaa lagu shegay in puntland ka go’an tahay hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

” waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa.  ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay wasaarada Arrimaha Gudaha puntalnd.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri “Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod,,

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay inshaAllaah,, ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafaeedka kaso baxay wasaarada Arrimaha Gudaha pundland ayaa kusoo aaday iyadoo shalay uu is casilay gudoomiyihii gudiga doorashooyinka puntalnd Guuleed Saalax.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post