543 Views

Al-Shabaab oo weerar ka fuliyey gobolka Bakool

Al-Shabaab oo weerar  ka fuliyey gobolka Bakool
____________________________________________________________________________


Sabti : January 2  2021

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad saarnaa gaari qaad siday.

Gaarigaas ayaa la sheegay inuu marayay duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Inta la xaqiijiyay 4-qof oo isugu jira askar iyo ganacsato ayaa lagu dilay weerarkaas, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen saxaafada.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Waajid ee gobolka Bakool iyo guud ahaan maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ku aadan weerarkaas dadka lagu dilay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post