918 Views

Guddiga Doorashada Galmudug oo Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug

Guddiga Doorashada Galmudug oo Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 21, 202

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed Galmudug (SEIT) oo ay Weheliyaan Xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ayaa la kulmay Maamulka gobolka, Golaha Deegaanka Gaalkacyo, Odoyaasha Dhaqanka 11-ka beelood oo kuraastoodu taalo Gaalkacyo, haweenka iyo dhalinyarada .

Guddiga ayaa ku wargeliyey kasoo qeybgalayaasha in Doorashada aqalka hoose ay dhowaan bilaaban doonto, Doorashada oo ku salaysan go’aanada madasha wadatashiga qaranka, odoyaasha iyo bulshada rayidka ayaa door xoogan kuleh Soo xulista ergooyinka doorashada.

Maamulka Gobolka, golaha deegaanka,Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa soo dhoweeyey guddiyada Doorashooyinka, waxayna hoosta ka xariiqeen in Degmada Gaalkacyo ay u diyaarsan tahay in Lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka ee dhawaan la filaayo inay qabsoonto.
Waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin, Isla markaana ay si buuxda ula shaqaynayaan guddiyada Doorashada.

Ugu danbayn waxay balan qaadeen kaamulka Gobolka , kan Degmada Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada inay si buuxda ula shaqaynayaan Guddiyada Doorashooyinka.
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo in si buuxda looga wada shaqeey Doorashada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post