690 Views

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo goor dhawayd gaaray magaalada Addis Ababab

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo goor dhawayd gaaray magaalada Addis Ababab
____________________________________________________________________________


isniin: October 4, 2021

waxaa goor dhawayd  magaalada Addis Ababab gaaray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Wafdi uu Hogaaminayo.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo garoonka Addis Ababa uga hortegay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya, sida wasiirka maaliyadda dalkaasi, Axmed Shide.

Qoraal ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo uu ka qeyb-galayo munaasabada caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy oo dib loogu dhaariyey xafiiska.

Sidoo kale Safark  Farmaajo waxaa ku wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Ku xigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post