1617 Views

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo kusii jeedda Geneva

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo kusii jeedda Geneva
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xersi Warfaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland, halkaa oo ay uga qeybgeli doonaan shir weynaha shaqaalaha Adduunka.

 

Safarkan uu Wasiirku ku tagaya Magaalada Geneva ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka socda Ururrada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha Soomaaliya, si ay halkaasi ugu soo bandhigaan baahiyaha shaqo ee Dalka ka jira.

 

 

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo heer Madaxweyne ah kana kala socda Dalalka caalamka, ayaa lagu wadaa inuu Wasiir Warfaa ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saari doono shaqo la’aanta ka jirta Dalka iyo sidii looga hirgelin lahaa nidaam shaqooyin u abuuraya muwaaddiniinta.

 

Wasiirka ayaa sababta ay ahmiyadda u siinayaan qodobbadaasi ku ku sheegay in la xalliyo shaqo la’aanta iyo shaqo yarida haysata bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in Dhallinyarada shaqooyin loo abuuro.

 

“Shirka aan u tageyno Geneva anniga iyo wafdiga aan hoggaaminayo waa mid muhiimad inoo leh, waxaan haddana gudbiyay codsi Dalkeenna muddo fara badan ma uusan bixin Lacagta xubin-nimada ee Ururka oo Sanad walba looga baahanyahay inay bixiyaan Dowladaha , waxaan codsannay in maaddama Dalkeenna uu dhibaato badan ku jiray in Lacagta laga cafiyo , si aan u helno codka aan ku lahayn .” ayuu yiri wasiir Sadiiq.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment