1170 Views

Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska Ciidamada AMISOM

Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 22, 2021 —Guddigii Wasiirada ee uu Ra’isul wasaarahha Xukuumadda u xilsaaray baarista falkii ciidamo ka tirsan Amisom ay ku dileen 7 ruux oo shacab ahaa  deegaanka Golweyn ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Yugaandha u qaabilsan Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidamada Amisom.

Guddigaan oo ay hogaaminayaan Wasiirka Gashaandhiga xukumadda federaalka Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiirka cadaalada Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa ay kulamo hor dhac ah la qaateen saraakiisha Ciidmaada Amison iyo safiirka si loo guda galo baarista dil wadareedka ciidamo ka tirsan AMISOM ay ugeysteen dadkii shacabka ahaa.

Kulanka sidoo kale waxaa qeyb-ka ahaa xoghaya jooxtada xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale.

Wasiirka Cadaaladda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, waxa uu ka mid yahay guddiga heerka wasiiradda ah ee uu saaray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kulantii maanta kaddib, ayuu isagoo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inay dhiseen guddi farsamo oo ka shaqeyn doona sidii dadka ay waxyeelladu soo gaartay xaqooda ku heli lahaayeen.

Wasiirka Cadaaladda ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inay dajin doonaan istiraatiijiyad cusub oo lagu xakameyn doono dhaqdhaqaaqa AMISOM, iyo in aanay mar dambe dhib soo gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada ka tirsan kuwa howl-galka Amisom ee Soomaaliya ayaa waxa ay 10-kii Ogoosto deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen ilaa iyo todobo ruux oo shacab waxaana ehelada dadkaasi ay dowladda Federaalka ka codsadeen in cadaalada la horkeeno askartii ka dambeysay falkaas

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post