723 Views

Kulamo looga hadlayo la-dagaalanka al-Shabaab oo ka dhacay galgaduud

Kulamo looga hadlayo la-dagaalanka al-Shabaab oo ka dhacay galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 02, 2021—Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi (Shariiful Arwaax) iyo saraakiil u hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa Galmudug ayaa gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa horay usoo maray magaalooyin dhowr ah sida, Dhuusamareeb,Gaalkacyo, Cadaado,Caabudwaaq, Balanbale iyo kuwa kale oo ka tirsan Galmudug.

Taliyaha ayaa kormeeray dugsiga tababar ciidanka ee Harqaboobe oo ku yaala degmada Guriceel halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha dugsiga iyo saraakiil kale oo halkaasi ku sugan.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidamada kala hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada maamulka galmudug.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post