624 Views

Tifaftiraha mid ka mid ah wargeysyada ugu weyn Uganda oo Xabsiga loo Taxaabay

Tifaftiraha mid ka mid ah wargeysyada ugu  weyn Uganda oo Xabsiga loo Taxaabay
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Tifaftiraha mid ka mid ah wargeysyada ugu waa weyn dalka Uganda ayaa loo yeedhay si booliska ay su’aalo u weydiiyaan, ka dib markii uu soo tabiyay natiijooyinka ka soo baxay baadhitaanka BBC-da ee dilkii booliska ee sannadkii hore ka dhacay magaalada Kampala.

Tabu Butagira waa tifaftiraha Daily Monitor oo sheekada ku daabacay boggooda hore, 31 May.

Tony Glencross, oo ah agaasimaha maamulka ee Nation Media Group, oo ahna milkiilaha wargayska ayaa isna loo yeedhay.

Labada nin ayaa looga shakisan yahay inay daabaceen warar been abuur ah, aflagaado iyo kicin.

Mr Butagira ayaa BBC-da u sheegay in eedeymaha “ay suurta gal tahay inay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed” iyo in qareenada Daily Monitor ay ka doodi doonaan.

Mr Glencross wuxuu sheegay in labadan nin ay u hogaansami doonaan yeedhista loo yeedhay, laakiin hada uu isagu gooni isu soocayo ka dib markii uu ku dhacay covid-19, mana awoodi doono inuu booliska hor yimaaddo ilaa isbuuca soo socda.

Baadhitaanka BBC Africa Eye ee seddex dil oo ka dhacay Kampala, lana sii daayay, 31 May, ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in ciidamada amaanka ee Ugandha ay si aan kala sooc lahayn rasaas ugu ridayeen dadkii waddada marayay intii uu socday howlgalo ay ka fuliyeen caasimada Kampala, bishii November ee la soo dhaafay, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aan hubeysneyn oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Daily Monitor kuma lug laheyn baadhitaanka BBC. Laakiin ka dib caddeynta lagu muujiyay filimka BBC-da, wargeysku wuxuu soo wariyay in 18-kii Nofeembar, abaarihii 14:00 waqtiga maxalliga ah, rag hubaysan oo wata gaadhi booliis ah oo ay ku qoran tahay lambarka diiwaangelinta ee UP5564 ay ka soo degeen waddada Kampala, iyagoo ridayay rasaas nool.

Muddo daqiiqad gudaheed ah ama wax la mid ah, toddobo qof ayaa la toogtay, ugu yaraan afar ka mid ahna waa loo dilay.

Dowlada Ugandha ayaa BBC-da u sheegtay in ciidamadooda ammaanka ay ka jawaabayaan rabshadaha, iyo in dadka ku dhintay Waddada Kampala ay ahaayeen kuwo ay ku dhacday “rasaas habawday”. Ma jirto wax caddeyn ah in mid ka mid ah toddobada qof ee lagu toogtay Waddada Kampala ay rabshado wadeen.

Qof kale oo adeegsanaya Twitter-ka, @drlubegaM, ayaa soo qaatay caddeynta ka muuqata filimka BBC-da wuxuuna madaxa booliska Uganda ugu sarreeya, Asan Kasingye, ku xujeeyay inuu “soo saaro kuwa dilaya dadkeenna”.Jenifa Ochwo ayaa qortay: “Baryadeydu waxay ahayd in ugu yaraan falalkan foosha xun la diiwaan galiyo si mustaqbalka loo tixraaco, dhibbanayaasha dartood. Taariikh darteed. Hadda se way diwaan gashan tahay.”U yeerista Mr Butagira iyo Mr Glencross waxay muujineysaa cadaawada sii kordheysa ee ay wajahayaan saxafiyiinta reer Uganda, gaar ahaan kuwa ka warbixiya wararka ku saabsan mucaaradka madaxweyne Yoweri Museveni ama kuwa dhaliila dowladiisa.

Kooxda u doodda xorriyadda saxaafadda ee Suxufiyiinta aan Xudduudda Lahayn waxay diiwaangeliyeen ku dhowaad 40 weerar oo ka dhan ah saxafiyiinta kuwaas oo ka dhacay Ugandha intii u dhaxeysay Nofeembar 2020 iyo Maarso 2021, oo ay ku jiraan 21 weerar jidheed iyo siddeed xadhig.

Arrintaas oo waddankaa ka dhigaysa lambarka 125-aad ee 180-kii dal ee liiska Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, waxayna sheegaysaa in “falalka cabsi-gelinta iyo rabshadaha ka dhanka ah weriyeyaasha ay yihiin kuwo maalin walba ka dhaca Uganda”.

Daily Monitor ayaa si baaxad leh uga warbixisay dilalkii dhacay bishii Nofeembar waxayna soo bandhigtay qaar badan oo ka mid ah dhibanaha. about:blank

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post