846 Views

Midowga Musharixiinta oo qoraal digniin ah u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Midowga Musharixiinta oo qoraal digniin ah u diray Madaxda Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal digniin ah oo ku saabsan qandaraas shati bixin shidaal oo ay Wasaarada Bartoolka galeyso u diray Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada, labada Golle ee Baarlamaanka, Xeer ilaaliyaha & Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraalkan oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan qorsheyneyso in qandaraas shati bixin shidaal la gasho  shirkadda Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty, iyada oo looga digay tallaabadaas.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen in ay xog ku heleen in maalmaha soo socda Wasaaradda batroolka ay heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan, shidaal sahmin, Baaris iyo qodis la galeyso laba Shirkadood oo dibadda laga leeyahay, kuwaas oo kala ah shirkadaha Coastline & Liberty, heshiiskaas oo ah halis aad u weyn oo kusoo fool leh masiirka iyo Midnimada Ummada Soomaliyeed & Kheyraadkooda ayaa lagu yiri” Qoraalka Musharixiinta.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay sheegeen in DFS aysan geli karin heshiis shidaal qodis ah oo aan waafaqsaneyn Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ah ee dowladda Soomaaliya iyo nidaamka heshiisyada Caalamiga ah ee Shidaal baarista.

Qoraalka Musharixiinta oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu cadeeyay in heshiisyada ay xogta ku heleen oo ay saxiixi doonto Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo wakiil ka ah dowladda Federaalka in uu jebinayo heshiiskii dowladda Federaalka la gashay hay’adaha dhaqaalaha Adduunka, gaar ahaan IMF & Bangiga Aduunka , isla markaana halis aad u weyn oo lagama soo kabtaan ah uu gelinayo hanaanka deyn cafiska Soomaaliya, sidoo kalena ay keeni kareto in Soomaliya dib ugu celiso shuruudihii  ay horay u buuxisay.

Dowladda Soomaaliya & dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka waxaa ay 5-tii Bishii June ee sanadkii 2018-kii  Magaalada Baydhabo ku saxiixdeen heshiiskii wadaaga Kheyraadka Dabiigi ah, kaa soo dhigayay  in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahmin ama baaris uu noqdo mid daah furan laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay ugu dambeyna lagu meel mariyay Golaha Shacabka ka hor inta aan heshiiska la saxiixin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post