1185 Views

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka hadlay qarax lagu dilay Sarkaal Ciidan

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka hadlay qarax lagu dilay Sarkaal Ciidan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa xalay ka hadlay weerar duhurnimadii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Qarax Miino oo loo dhigay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koofur Galbeed, waxaa ku geeriyooday Kabtan Falaar Liibaan Nuur oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, sidoo kalena waxa uu ahaa xubin ka tirsan golaha deegaanka Berdaale.

 

Madaxweyne Lafta-Gareen, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Sarkaalkan, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu si gaar ah ula socon doono qoyska uu ka baxay Kabtan Falaar Liibaan Nuur oo uu ku sifeeyay nin wax badan u soo qbatay Shacabka iyo maamulka Koofur Galbeed.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa sheegay in dhowaan duulaan ku qaadi doonaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan, wuxuuna ugu baaqay maamulada degmooyinka iyo Saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan, kana feejignaadaan weeraro uga yimaada Al-Shabaab.

 

Qaraxa Miino ee shalay ka dhacay degmada Bardaale oo qiyaastii 25­KM u jirta magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhaawacmay ku dhaawacmay 4 askari oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed, kuwaasoo dhaawacyadooda la keenay Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment