699 Views

Soomaaliya oo Kenya ugu baaqday in ay furto Safaaradeeda Soomaaliya ee kenya

Soomaaliya oo Kenya ugu baaqday in ay furto Safaaradeeda Soomaaliya ee kenya
____________________________________________________________________________

June 13 2021

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Kenya ugu baaqday in ay furto Safaaradeeda Soomaaliya islamarkaana ay soo celiso xariirkii Diplumaasadeed ee labada dal.

War rasmiya oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay furi doonto Safaaradeeda Nairobi si loo soo celiyo xiriirkii iyo wada-shaqayntii labada dowladood.

 “ Dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed oo buuxa wuxuu noqon doonaa bilow wanaagsan oo ku aaddan bilowga wada-hadallada labada dal u dhexeeya” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Sidoo kale hadalkan ayaa ku soo aadaya Xili Kenya ay sheegtay in ay dib u bilaawday Duuliimaadyadii ka imaan jirtay Muqdisho oo ay Xayirtay Bishii hore  iyo Duulimaadkii ugu horeeyay oo Muqdisho ka imaado oo manta Nairobi imaanaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post