1155 Views

Xal laga gaaray xiisad ka taagneyd deegaanka Lafoole

Xal laga gaaray xiisad ka taagneyd deegaanka Lafoole
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-17–2019 —Mas’uuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay xal ka gaareen xiisad dagaal oo ka taagneyd deegaanka lafoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

 

Xiisada ayaa u dhaxeysa Ciidamo katirsan kuwa Booliska Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka deegaanka,kuwaas oo maalin ka hor uu dhexmaray dagaal khasaaro geystay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo Xubno la socda ayaa gaaray deegaanka lafoole, iyaga oo kulamo lagu xaliyey xiisada taagneyd la qaatay Maamulka deegaanka iyo saraakiisha Ciidamada

 

“Waxaan  xalinay khilaaf soo kala dhexgalay maamulka deegaanka lafoole iyo ciidamada Amniga.Waxaan u mahadcelinayaa wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka bada ee KGS, odayaasha dhaqanka,maamulka iyo ciidamada Amniga kaalintii ay ka qaateen xalinta khilaafkaas ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

 

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Maamulka deegaanka lafoole iyo Shacabka ku nool deegaankaas iyo Ciidamada Amniga inay ka wada qeyb qaataan nabada iyo sugida Amniga si deegaanka uu u noqdo mid hormara.

 

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal hayey dagaalka ka dhacay deegaanka lafoole iyo xiisada ka taagnedy taas oo keentay in Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose uu kusoo baxo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment