948 Views

Diyaarad siday Deeq Dawo ah oo soo gaartay Muqdisho

Diyaarad siday Deeq Dawo ah oo soo gaartay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 5  2020–Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kasoo degtay diyaarad siday deeq dawo ah oo katimid Midowga Yurub,taas oo lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Garoonka Aadan-Cadde ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Midowga Yurub ee Muqdisho waxaa ay deeqdaasi dawada ah ku wareejiyeen Xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Deeqdaan dawada ah ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay gurmadka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed ay ka heleyso caalamka gaar ahaan kuwo loogu talo galay ka hortagga COVID-19 IYO cuduro kale.

Xubnaha ka socday Wasaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa midowga Yurub waxaa ay uga mahad celiyeen deeqdaan dawada ah oo ay soo gaarsiiyeen,waxaana dhinaca kale Xubnaha Safaarada Midowga Yurub ee Muqdisho ay dhankooda sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomalaiya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post