1368 Views

Jabuuti oo qorsheynaysa in Eritrea ay ka dacweyso Maxkamada ICJ

Jabuuti oo qorsheynaysa in Eritrea ay ka dacweyso Maxkamada ICJ
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Maxamed Saciid Ducaale, oo ah safiirka Dowlada Jabuuti   ee Qaramada Midoobey  ayaa sheegay in Muranka dhulka ah ee u dhexeeya dalalka Jabuuti iyo Eritrea lagu balamay in isla aado Maxkamada caalamiga ah ee ICJ kadib markii dowlada Jabuuti ay ka codsatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey inay ka taageeraan sidii loo xallin lahaa muran xuduudeedka kala dhaxeeya dalka Eritrea.

Waxaa uu sheegay Safiirka  in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.

“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda caadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale.

Dowladda Jabuuti ayaa horay u sheegtay in  Arrimaha ay ku doodeyso ay qeyb ka tahay  milkiyadda Jasiiradda Doumeira iyo 13 askari oo weli lagu la’yahay gacanta Eritrea.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey  ayaa ku dhawaaqay in ay cunaqabateyntii ay ka qaadeen dowladda Eritrea ka dib markii dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay Codsadeen in laga qaado.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment