1074 Views

Biyo la’aan ka taagan deegaanka Filtu ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Biyo la’aan ka taagan deegaanka Filtu ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Biyo la’aan baahsan ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaanka Filtu ee gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka waddanka Itoobiya.

Waxaa gurtay wartii ay dadka deegaanka biyaha ka cabbi jireen, halka dadku ay sheegayaan in degmadu aanay lahayn ceel biyaha ay ka cabto.

Jirgaanka biyaha ayaa lagu kala iibsadaa qiimo aad u sarreeya oo aanay awoodin dadka danyarta ah.

Guud ahaan xoola dhaqatada deegaanka soomalida ayaa la sheegayaa inay wajahayaan abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post