816 Views

Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi “ Ammaanka iyo Ganacsiga islii waa iska caadi waana la isku halayn karaa

Xildhibaan Yuusuf Xassan Cabdi “ Ammaanka iyo Ganacsiga islii waa iska caadi waana la isku halayn karaa
____________________________________________________________________________


Jimco: September 24, 2021

Xili shalay lagu kala Cararay islii sababo amaan ayaa waxaa arintaas ka hadlay Xildhibaanka laga soo doorto kamakuuji Yuusuf Xassan Cabdi.

Masuulyiinta ganacsatada suuqa Islii iyo xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi Yuusuf Xassan Cabdi oo ka hadlay fal khal-khal galin ah oo shalay laga dareemay suuq ku yaala xaafadda Islii ayaa sheegay in falkaasi uu ahaa mid been abuur ah.

Waxay sheegeen in falkas lagu khal-khal galinayay ganacsiga suuqa Islii, iyagoo sheegay amaanka xaafadda Islii uu ahay mid wanaagsan oo la isku halayn karo.

Sidoo kale Yuusuf Xassan Cabdi ayaa sheegay in arintaan ay ka danbeeyeen dad gaar ah oo uu sheegay in ay fitno ku dhex wadaan dadka Soomaalida dagan Nairobi gaar ahaan islii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post