2217 Views

Dagaal ka dhacay degaanka Baxdo Gobolka Galgaduud oo dhex maray laba maleeshiyo Beeleed

Dagaal ka dhacay degaanka Baxdo   Gobolka Galgaduud oo dhex maray laba maleeshiyo Beeleed
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Wararka ka imaanaya degaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal culus  oo soo gaaray xalay xilli dambe uu ku dhex-maray labada maleeshiyo Beeleed.

Labada maleeshiyo Beeleed oo isku heysta dhul ku yaal tuulooyinka lagu dagaalamay ayaa dagaalkooda waxaa uu yahay mid soo laab laabtay, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday 2 Ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in xalay xilli dambe uu dagaalka joogsaday, hayeeshee weli la dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin, waxaana sidaan oo kale uu dhowr jeer dagaal Beeleedka uu uga dhacay degaano u dhow Deegaanka Baxdo Gaabo Ee Gobolka Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post