891 Views

Gantaallo laga soo tuura Lubnaan oo ku dhacay Israa’iil

Gantaallo laga soo tuura Lubnaan oo ku dhacay Israa’iil
____________________________________________________________________________

May 14 2021\

Saddex gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan aya haleelay badda Mediterranean-ka ee ka baxsan xeebta waqooyiga Israa’iil, sida ay ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) ay bartooda Twitter-ka ku sheegeen

Ciidammada Difaaca ee Israel waxay sheegeen, in muddo yar ka hor gantaallo ka yimi meel aan carriga Falastiin ahayn ay ku soo dhaceen, iyaga oo aan faahfaahin badan raacin.

Gantaalahan ayaan wax khatar ah galin Israel, sidaa darteedna lama yeedhin qalabka dhawaaqa ee tilmaama khatarta iyo sida oo kale lagama shaqaysiin nidaamyada difaaca gantaallada ee hawadooda sida ay tebinayaan warbaahinta Israel.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay inay ka dambeysay gantaalkan.

Waxaa jira dhowr kooxood oo xagjir ah oo ka howlgala Lubnaan. Waxaa ka mid ah dhaqdhaqaaqa Xisbullah, oo dagaal bil socday la galay Israel sanadkii 2006.

Tareennada ka baxa Tel Aviv ee taga magaalada Lod ayaa la hakiyay sababo la xidhiidha rabshadaha ku sii kordhaya magaaladan sida isku dhafka ah ay u degaan Yuhuuda iyo Carabtu, sida ay qortay warbaainta Jerusalem Post.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post