996 Views

Siciid Deni iyo axmed Madobe oo caawa kulan gaar ah la leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga

Siciid Deni iyo axmed Madobe  oo caawa kulan gaar ah la  leh siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho caawa ka socda kulan dhex maraya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland iyo  siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyiga ee Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in siyaasiyiinta ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana la sheegay in looga hadlayo xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi in ay isku hayaan  guddiga doorashada kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la sheegay inay caawa isku howleen in siyaasiyiinta gobollada waqooyi garabka uu hoggaaminayo Mahdi Guuleed ay ku qanciyaan is afgaradkii guddiyadii ka kala socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Baydhaba

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post