1518 Views

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo mar kale ku soo baxay Kursiga Aqalka Sare

Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo mar kale ku soo baxay Kursiga  Aqalka Sare
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 15, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Sare ayaa sheegaya in ay soo dhamaatay Doorashadii caawa dhan laga war sugaaayay.

Wararka ayaa sheegaya in uu ku soo baxay Cod aad u badan oo aan la filaynin Senator Cusmaan Maxamuud Dufle, oo ka guuleystay laba musharax oo kula tartamay kursigaas.

Sidoo kale Dr. Dufle ayaa dib ugu soo laabtay kursigaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey, waxuuna ku soo baxay 68-cod, halka musharax Raage Xasan Xuuti oo la tartamayey uu helay 28-cod

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ahaa musharaxa seddaxaad ee kursigaas ayaa ku haray wareegii koowaad ee doorashada, waxuuna helay 19-cod, Danjire Tarsan waxaa wadatay Villa Somalia, balse wareegii koowaad sooma dhaafin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post