2019 Views

Trump oo diyaarsaday hal ku dhigga doorashada 2020

Trump oo diyaarsaday hal ku dhigga doorashada 2020
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 10, 2018–Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay halheyska doorashadiisa 2020ka marka la gaaro,waxaana uu hadda ka dhigay “ilaali Amerikada weyn”, “Keep America Great”.

Mr Trump ayaa ka hor labo sano billaabaya ololaha doorashada Madaxtinimada Mareykanka oo dhaceysa sanadka 2020ka marka la gaaro.

Isu soo bax uu shalay ka qeybgalay ayuu taageerayaash Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo sheegay in ay diyaariyeen magaca ololaha doorashada sidaas darteedna ay labo sano kaddib diyaar u yihiin ololaha doorashada in ay billaabaan.

Waxaa uu rajo weyn ka qabaa in dib loo doorto Mr Trump oo doorashada uu hadda madaxweynaha ku yahay ee dhacday November 8 2016kii si aan la fileyn ugu soo baxay.

Mr Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu rajo weyn ka qabo in uu ka qeybgalo doodda musharrixiinta gaar ahaan midda dhex mareysa isaga iyo Ninka lagu magacaabo Oprah Winfrey oo ah maalqabeen damac siyaasadeed ku jiro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment