438 Views

Dibad-baxayaal carreysan oo xoog u galay Xafiiska R/wasaaraha Sri lanka

Dibad-baxayaal carreysan oo xoog u galay Xafiiska R/wasaaraha Sri lanka
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

Kumanaan dibad-baxayaal ah oo ka soo horjeeda dowladda Sri Lanka ayaa gudaha u galay xafiiska ra’iisul wasaaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe, saacado kadib markii loo magacaabay ku simaha madaxweynaha.

Dibad-baxayaasha oo carreysan ayaa xoog ku dhaafay Ciidamada ilaalada Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, iyada oo booliiska uu adeegsaday suntan dadka ka ilmeysiisa.

Horraantii maanta Ra’iisul wasaaraha Srilanka ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkaasi, iyada oo uu carraray madaxweynihii dalkaasi Gotabaya Rajapaksa.

Booliisku oo fulinaya amarka xaalad deg dega ayaa waxaa ay bandow ku soo rogeen Gobolka Galbeedka, oo ay ku jirto caasimadda Colombo, si loo xakameeyo mudaaharaadyada sii kordhaya ka dib markii Rajapaksa uu u duulay Maldives isagoo wata diyaarad militari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post