756 Views

Kiisaska Corona virus ee deganada Puntland oo sii kordhay

Kiisaska Corona virus ee deganada Puntland oo sii kordhay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-18-2020–Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Kiisaska Cudurka Corona virus ee degaanada maamulka Puntland maalmihii ugu dambeeyay.

Puntland waxa ay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujiyaan kororka Cudurka ee degaanada maamulka Puntland.

Waxaa la baaray 16 iyo 17 bisha August 60 qof oo 7 qof oo ka mid ah laga helay xanuunka safmareenka ah ee Covid 19.

7 qof xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa 27 sano jir ilaa 40 jir, 7 qof xanuunka laga helo ayaa Garowe jooga, hal qof ayaana soo biskooday.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaarku xaqiijiyey ayaa hada gaartay 400 qof waxaa udhintay 9 qof waxaa ka bogsaday 204 qof.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post