1152 Views

Guddoomiyaha Degmada Deeyniile oo sheegay in la soo weeraray

Guddoomiyaha Degmada Deeyniile oo sheegay in la soo weeraray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 26 2020–Guddoomiyaha Maamulka degmada Deeyniile ee Gobolkan Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar ayaa si kulul uga hadlay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta degmadaasi ku dhexmaray Ciidamada Boolis ah iyo kuwo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.

Guddoomiye Jacfar oo Warbaahinta kula hadlay goobtii uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay soo weerareen dad Shacab ah oo degaanaa Gudaha degmada,isla markaana ay ka burburinayeen dhul ay deganaayeen dad Shacab ah.

Waxaa uu sheegay in Maamulka degmada Deeyniile uu u gurmaday dadka Shacabka ah,isla markaana ka celiyay Ciidamada dowladda oo uu sheegay in la soo adeegsaday dadka Shacabka ahna ka boobayay dhulka.

Dagaalkii saakay ka dhacay Xaafada Cara-gaduuda ee degmada deeyniile ayaa waxaa uu sababay dhimashada in ka badan Shan Askari oo labada dhinac ah iyo dhaawaca tiro kale,waxaana dagaalkaas ku baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment