1266 Views

WHO oo ka walaacsan dib usoo noqoshada cudurka Ebola

WHO oo ka walaacsan dib usoo noqoshada cudurka Ebola
____________________________________________________________________________


February 15, 2021

Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa walaac ka muujisay dib usoo labokacleynta cudurka Ebola ee Galbeedka Afrika, waxayna mar kale billowday dadaallada looga fal celinayo.

Agaasimaha WHO ee gobolka, Matshidiso Moeti, ayaa sheegtay in hayaddu ay ku jirto diyaar garowgii ugu dambeeyay”.

Wasaaradda Caafimaadka ee waddanka Guinea ayaa ku dhawaaqday in Axaddii uu dalkaas ka dillaacay Ebola.

Dowladda ayaa xarun caafimaad ka sameysay magaalada Goueké ee ku taalla koofurta-bari ee waddanka, halkaas oo kiisaska cusub laga soo tabiyay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay WHO ka dalban doonaan tallaalka cusub ee dhawaan la sameeyay.

“Hayadda WHO waxay ku jirtaa heegan sare waxayna xiriir la sameysay warshadda sameysay tallaalka, si loo xaqiijiyo in dawo ku filan loo diyaariyo sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan, si taas ay gacan uga geysato la dagaallanka cudurka,” ayuu yidhi wakiilka WHO ee Guinea, Alfred George Ki-Zerbo, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Dhinaca kale, saraakiisha caafimaadka ee waddanka Congo ayaa xaqiijiyay kiiskii saddexaad oo Ebola ah oo Jimcadii laga soo tabiyay bariga dalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post