1182 Views

Wafdi uu hoggaaminayo Rooble oo u ambabaxay magaalada London

Wafdi uu hoggaaminayo Rooble oo u ambabaxay magaalada London
____________________________________________________________________________

Isniin: July 26 2021

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, Rooble ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka caalami ah.

Shirka uu Ra’iisul Wasaare uga qeyb gelayo London waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa ‘tayada waxbarashada carruurta’ sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu kulamo la qaadan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post