633 Views

Nin kuraasta haweenka u tartama oo ay qaati ka taagan yihiin dumarka Nigeria

Nin kuraasta haweenka u tartama oo ay qaati ka taagan yihiin dumarka Nigeria
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

Ameer Sarkee, oo 26 jir ah, oo u tartamaya kuraasta haweenka ee xisbiga talada haya ee APC ee dalka Nigeria, ayaa BBC-da u sheegay inuu tartankan u galay isagoo aaminsan inuu yahay nin loogu talo galay inuu mar walba maamulo arrimaha haweenka.

Ameer ayaa sanadkii 2019 isugu soo sharraxay kuraasta haweenka ee xisbiga PDP gobolka Kano balse ma uusan guuleysan, balse wuxuu sheegay in markan uusan oggolaan doonin in laga raayo, maaddaama sida uu aaminsan yahay ilaa carruurnimadiisii uu la tacaali jiray arrimaha haweenka.

“Weligey tan iyo intaan carruur ahaa marka aan arko haweeney u baahan caawinaad waan caawin jiay – sida inaan dharka u qaado amaba aan wax u iibiyo – taasina waa sababta aan u doonayo inaan noqdo guddoomiyaha haweenka ee xisbigeenna,” ayuu yiri.

“Dadka nqaar waxay i weydiiyaan sababta aan xilkan ugu tartamayo waxaana ugu jawaabaa ‘Ilaah wuxuu ninka u abuuray inuu haweenka guddoomiyo,'” ayuu yiri Ameer.

Ninkan oo ah ganacsade ka soo jeeda gobolka Kano ayaa wuxuu ballan qaaday haddii uu guuleysti, inuu hubin doono in codka haweenka laga dhex maqlo siyaasadda iyo hoggaanka.

Ameer ayaa rajo ka qaba in haweenka xisbiga APC ay u codeyn doonaan inkastoo uu nin yahay.

“Caqabadda ugu weyn ee aan wajaho waa inaan hanto aaminaadda haweenka, qaarkood way ka maseyraan inaan hoggaamiyo, halka qaarkoodna ay ii arkaan inaan ka qaadanayo wax iyaga loogu talo galay.” Ayuu yiri Ameer.

Wuxuu intaas raaciyay inuu dhanka kale taageero kala kulmo haweenka qaar oo ku faraxsan inuu hoggaamiyo.

Inkastoo Ameer uu ku han weyn yahay horumainta haweenka, haddana malaha xaas, inkastoo uu sheegay inuu dhowaan rajeynayo inuu guursado.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post