702 Views

Ku simaha madaxweynaha Puntland oo qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya

Ku simaha madaxweynaha Puntland oo  qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya
____________________________________________________________________________

May 10 2021

Ku simaha madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay wakiilka hay’adda IOM u qaabilsan Soomaaliya, Richard Danziger.

War ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada-hadleen, dardar gelinta mashaariicda hormarineed ee hay’adda socdaalka Adduunka IOM ka wado gudaha Puntland.

Karaash iyo Richard Danziger, ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ka hortagga arrimaha tahriibta iyo caawinaadda Qaxootiga ka soo tallaaba xuduudaha.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in uu hay’adda IOM uga mahadcelinayo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato kobcinta iyo tayaynta Hay’adaha dowliga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post