948 Views

Al-Shabaab oo dab qabad siisay tuulooyinka ku dhaw magaalada Muqdisho

Al-Shabaab oo dab qabad siisay tuulooyinka ku dhaw magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: January 30, 2022

Boqollaal qoys ayaa ka barakacay, tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad, kadib markii xooggaga Al-Shabaab ay dab qabad siiyeen labadaasi tuulo.

Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.

Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.

Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post