879 Views

Dagaal ka dhacey deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag

Dagaal ka dhacey deegaan ka tirsan Gobolka Sanaag
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 19 2020–Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacey deegaan lagu Magacaabo Fadhigaab oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey laba maleeshiyo beeleed,waxaana dad ku sugan degmada Ceelafweyn oo uu hoostaga deegaanka lagu dagaalamey ay sheegeen in dagaalka laba ruux ay ku geeriyoodeen saddex kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ah maleeshiyaadka dagaalamey.

 

 

 

Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul halkaasi ku yaalla,waxaana mararka qaar weli la maqlayaa rasaas ay isku ridayaan labada dhinac ee dagaalamey.

 

Degmada Ceelafweyn iyo deegaano hoostaga ayaa waxaa dhowr jeer kusoo laab laabtey dagaal  beeleedyada,iyada oo xukuumadda Soomaaliland ay ku guul dareysatay xalka gaarista dagaal beeleedyadaas.

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment