150 Views

Duqa Muqdisho oo hey’adaha Amniga Gobolka Banaadir kala hadlay dhibkii loo geystay ciyaaryahanada KGS

Duqa Muqdisho oo hey’adaha Amniga Gobolka Banaadir kala  hadlay dhibkii loo geystay ciyaaryahanada KGS
____________________________________________________________________________

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay saraakiisha laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay cayaartoyda xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida Amniga xulalka ka qeybgalaya Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida Amniga Caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post