876 Views

Maleshiyadka Al-Shabab oo dhibaato ku haya shacabka dalka Mozambique

Maleshiyadka Al-Shabab oo dhibaato ku haya shacabka  dalka Mozambique
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 14  2021

Weriyaha BBC-da Andrew Harding ayaa tagay dalka Muzambique si uu ugu guur gala dhibaatada ka dhalatay dagaalllada ay ku lug leeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ee dalkaasi ka socdo.

Dadka qaar ayaa caloosha xooqanaya islamarkana kuu sheegaya in ay gaajo hayso.

Dhanka kale, kuwa kale ayaa kaaga sheekaynaya tuulooyiin dab la qabadsiiyay, qaraabadooda oo la afduubtay iyo dhibaatooyiin badan oo ay soo mareen si ay u badbaadan.

Balse waxa ugu badan ee ay kuu sheegayaan ayaa ah inay arkeen dad la gowracaya gaar ahaan magaalada go’doonsan ee Palma, ee ku taalla waqooyiga Mozambique.

Goobtani waa mid ka go’an caalamka intiisa kale, islamarkana waxaa ku sugan dagaalyahanno Islaamiyiin ah oo ku hubaysan baangado.

In ka badan nus malyuun qof oo gobolkaasi ku nool ayaa guryahooda ka qaxay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay.

“Qoorta ayay ka gooyeen ,” waxaa sidaasi yiri said Said Axmad, oo ah 47 sano jir.

Waxay la dilay walaalkii Bernado Bacar iyo 6 qof oo kale ka dib markii rag hubeysan soo weerareen tuuladii uu daganaayeen.

Said Axmad ayay u suuragashay in uu ka soo baxsado goobta isaga oo soo gaaray magaalada Palma.

Saciid markii dambe ee uu wacay lambarka walaalkii waxaa taleefoonka ka jawaabay dad uusan aqoon oo ku yiri: “walaalkaa waan dilnay, wax aan ka baqayana ma jiraan, waxaa nahay al-Shabab anaga oo ku faraxsan ayaana dilnay.”

Sida qaar kale oo badan oo ay BBC la kulantay waxaa uu Saciid ka mid yahay dadka la argagaxsan dhibaatooyiinka ay geysanayaan dagaalyahanadan Islaamiyiinta ah.

Bulsho la qixiyay

Maanta xaaladda sidaasi way ka duwan tahay islamarkana saddex meelood meel dadkii gobolkaasi waa la qixiyay.

Waaxda gaashaandhiga Mareykanka ayaa kooxdan ku shabadeysay in ay kox argagixiso loogu yeero “Isis-Mozambique” .

Waxay Mareykanka ku doodeen in ay rumeysan yihiin in kooxdan ay rumeysan yihiin inay gacan saar la leeyihiin Daacish.

Wariyaha BBC Andrew Harding oo noqday wariyihii ajnabiga ahaa ee ugu horeeyay ee gaara halkaasi.

Mgaaalada Palma iyo guud ahaan gobolkaasi ayaa sanadkii ugu dambeeyay ka xirnaa wariyayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah-ba.

Duleedka magaalada ayaa ah meel gabi ahaan-ba maran oo aysan wax dad ah joogin.

Kooxdii ugu horreysay ee dad ah oo ay BBC la kulanto ayaa sheegay in ay doonayaan in ay isaga hayaamaan magalada Palma islamarkana waxaa goobta yaalay gaari xamuuul ah.

“Waxaan doonaynaa inaan tagno sababtoo ah gaajo ayaa na haysa, waxaan ka baqaynaa al-Shabab, balse maxan sameynayn karnaa? Halkaan ayaan gaajo ugu dhimanaynaa ,” waxaa sidaasi sheegtay Rabia Momat.

Waxa ay intaa ku dartay in booliiska ay ka hor istaageen in halkaasi ay isaga guuraan.

Goob bacaad ah oo waddo ah waxaan ku aragnay dad ku soo xoomay goob dukaamo ah oo cunada lagu iibiyo.

“Aad ayaan u gajeesnahay, saddex maalmood waxbo ma cunin, halkan ayaan safka ku jiraa, balse waxbo ma helin ,” waxaa sidaasi sheegay nin lagu magacaabo Sufo Salimo.

Waxaa uu booliiska ku eedeeyay in dadka ay lacag baadi ah ka qaataan.

Gabdho la afduubtay

Dhowr qof oo ku sugan magaalada Palma ayaa BBC u sheegay in ya arkeen gabdho iyo haween ay afduubanayaan kooxdani mintidka ah.

Markiii uu weriyaha BBC uu ku soo laabtay caasimaddii gobolka ee Pemba, waxaa uu la kumay dad badan oo isla sheekada afduubka gabdhaha uga sheekeeyay.

Waxaan arkay gabadheyda oo dooni ku baxsanaysa iyada o labo cunug sidata, waxaa ceyrsanayay dad al-Shabab ka tirsan.

“Waxay qaateen gabadheyda iyo dad badan oo kale ka dib waxay dab qabadsiiyeen tuulada,” ayay tiri Fatima Cabdul, oo 43 jir ah.

Waxaan ilaa iyo imika isku dayayaa in aan helo gabadha aana ayeeyada u ahay, ma aqaan in ay qaateen oo ay guursadeen amaba in ay dileen ayay intaa ku dartay.

BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post